Koox Premier League Ah Oo La Saxeexay 51 Weeraryahan

West Ham United ayaa la saxeexatay weeraryahankii 51aad 1000 maalmood gudahood, waxaana tiradaas buuxiyey weeraryahanka Talyaaniga ah ee Gianluca Scamacca oo ay £35.5 milyan oo Gini kaga soo qaateen Sassuolo.

Laacibkan oo dhererkiisu yahay 6 fiit iyo 5 inji ayaa London Stadium soo gaadhay xagaagan isaga oo ka hoos ciyaaraya David Moyes kaddib sannad uu 16 gool kasoo dhaliyey horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Michail Antonio oo ka ciyaari kara boos kasta oo weerarka ah ayaa la rumaysan yahay in uu yahay ciyaartoyga uu David Moyes ugu kalsoonida badan yahay, isaga oo xilli ciyaareedkii tegay dhaliyey toban gool iyo siddeed uu caawiye ka noqday.

Kooxdan ka dhisan bariga magaalada London ayaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey waxay la dhibatoonaysay sidii ay ku heli lahayd weeraryahan wanaagsan oo tayo leh, waxaanay David Gold iyo David Sullivan ku bixiyeen lacag badan.

Scamacca ayaa noqday weeraryahankii 51aad ee 12 sannadood gudahood ay West Ham United iibsato, waxaana layaab leh in 20 ka mid ah 50kii weeraryahan ee hore ay xataa ku guul-darraysteen in ay min hal goolna u dhaliyaan kooxdan, waxaana ciyaartoyda waqtigoodu dhamaaday iyagoon shabaqa soo taabanin ka  mid ahaa Benni McCarthy, Mido Marouane Chamakh, Mladen Petric, Simone Zaza, Jordan Hugill iyo Albian Ajeti.

Waa kuwan 50ka weeraryahan ee ka horreeyey Scamacca ee ay West Ham iibsatay iyo xogta u diiwaangashan

Benni McCarthy – 14 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Mido – 9 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Ilan – 11 kulan ayuu u saftay, 4 gool

Pablo Barrera – 23 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Frederic Piquionne – 62 kulan ayuu u saftay, 11 gool

Victor Obinna – 32 kulan ayuu u saftay, 8 gool

Demba Ba – 13 kulan ayuu u saftay, 7 gool

Robbie Keane – 10 kulan ayuu u saftay, 2 gool

John Carew – 21 kulan ayuu u saftay, 2 gool

Sam Baldock – 22 kulan ayuu u saftay, 5 gool

Brian Montenegro – 1 appearance, 0 gool

Joe Dixon – 0 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Nicky Maynard – 17 kulan ayuu u saftay, 4 gool

Ricardo Vaz Te – 61 kulan ayuu u saftay, 19 gool

Modibo Maiga – 45 kulan ayuu u saftay, 7 gool

Andy Carroll – 142 kulan ayuu u saftay, 34 gool

Sean Maguire – 0 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Marouane Chamakh – 3 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Wellington Paulista – 0 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Mladen Petric – 4 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Carlton Cole – 56 kulan ayuu u saftay, 9 gool

Jaanai Gordon – 0 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Marco Borriello – 2 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Mauro Zarate – 29 kulan ayuu u saftay, 7 gool

Diafra Sakho – 71 kulan ayuu u saftay, 24 gool

Enner Valencia – 68 kulan ayuu u saftay, 10 gool

Nene – 8 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Martin Samuelsen – 2 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Michail Antonio – 228 gool, 61 gool

Nikica Jelavic – 14 kulan ayuu u saftay, 2 gool

Emmanuel Emenike – 16 kulan ayuu u saftay, 2 gool

Luka Belic – 0 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Simone Zaza – 11 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Jonathan Calleri – 19 kulan ayuu u saftay, 1 goal

Toni Martinez – 3 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Sofiane Feghouli – 27 kulan ayuu u saftay, 4 gool

Andre Ayew – 50 kulan ayuu u saftay, 12 gool

Ashley Fletcher – 20 kulan ayuu u saftay, 1 goal

Marko Arnautovic – 65 kulan ayuu u saftay, 22 gool

Javier Hernandez – 63 kulan ayuu u saftay, 17 gool

Jordan Hugill – 3 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Oladapo Afolayan – 1 appearance, 1 goal

Lucas Perez – 19 kulan ayuu u saftay, 6 gool

Xande Silva – 2 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Andriy Yarmolenko – 86 kulan ayuu u saftay, 13 gool

Mesaque Dju – 0 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Sebastien Haller – 54 kulan ayuu u saftay, 14 gool

Albian Ajeti – 12 kulan ayuu u saftay, 0 gool

Jarrod Bowen – 104 kulan ayuu u saftay, 27 gool

Nikola Vlasic – 31 kulan ayuu u saftay – 1 goal