Magacaabidda Mukhtaar Roobow Oo Hadal Hayn Badan Ka Abuurtay Warbaahinta Caalamka

Muqdisho (Aftahannews)-Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray Alshabab, uu kamid noqdo golaha cusub ee wasiiradda Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa hoggaamiye ku xigeenkii hore iyo afhayeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab kusoo daray xukuumadiisa, si uu u noqdo wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku jiray xabsi guri kadib markii ay soo xertay dowladii uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Roobow oo 53 sano jir ah ayaa bishii Ogosto ee sannadkii 2017 si cad uga soo goostay ururka Al-Shabaab, iyadoo dowladda Mareykanka ay hore madaxiisa mar dul dhigtay lacag dhan 5-milyan oo dollar si loo soo qabto.

Roobow ayaa la xidhay dabayaaqadii sanadkii hore ee 2018, maalmo ka hor xilligii loo qorsheeyay inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa lagu eedeeyay oo doorashada looga reebay sida ay dowladdii hore sheegtay, inuusan weli buuxin sharuudihii cafiska loogu sameeyay.

Kamid noqoshadiisa golaha wasiiradda ayaa kusoo aadantay, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal la gasho Al-Shabaab.