Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Itoobiyaan Ah Oo La Tarxiilay

Hargeysa (Aftahannews)-Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Somaliland si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.

Wasaxaafadeed ka soo baxday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland, ayaa lagu sheegay in dadkan oo ka dhoofay madaarka Cigaal ee Hargaysa, ay si iskood ah u dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo.”Waxaanu halkan ka beeninayna war aan sal iyo raad toona lahayn oo mareegta Somali Dispatch kaga been abuurtay xaqiiqda dadkaasi, oo iskood u dalbaday in dalkoodii dib loogu celiyo” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay hay’adda barakacayaasha.