Bilowga Premier League Iyo Isbedelka Lagu Sameeyey Caawiyaha Garsoorka

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa isbeddel weyn ku samaynaya adeegsiga muuqaalka caawiya garsooraha ee VAR, kaddib markii ay taageereyaashu dalbadeen in sare loo qaado cad-caddaanta iyo hufnaanta go’aamada lagu sallaynayo muuqaalka caawinaya garsooreyaasha.

Sida uu sheegay wargeyska The Time, qorshaha isbeddelka VAR oo la dhaqan gelinayo bilowga xilli ciyaareedkan Jimcaha la ciyaaarayo kulamadiisa ugu horreeya ayaa waxa uu dhigayaa in taageereyaashu ay fahmi karaan kala duwanaanshaha iyo doodaha garsooreyaasha VAR iyo garsooraha dhexe ee xilliyada ay go’aanka midaysan ka qaadanayaan dhacdooyinka gudaha garoonka.

Ujeeddada ugu weyn ee loo sameeyey isbeddelkan ayaa la sheegay in la doonaayo in taageereyaashu ay fahmaan nidaamka iyo sida loo qaato go’aamada VAR, waxaanay arrintaasi caawinaysaa sida la sheegay in sare loo qaado cadcaddaanta go’aamada iyo fahamka jamaahiirta.

Richard Masters oo ah madaxa Premier League ayaa sheegay in si weyn loo taageeray isbeddelkan isla maarkaana taageereyaasha iyo garsooreyaashuba ay doonayaan in aanay waxba qarsoonaanin oo la ogaado sida go’aamada loo qaato.

Arrintan oo hore loogu soo tijaabiyey horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS, ayaa si weyn usoo jiitay taageereyaasha.

Garsoorihii hore ee horyaalka Premier League ee Howard Webb oo hadda ah madaxa garsooreyaasha horyaalka Maraykanka ee MLS, ayaa sheegay in arrintani wax badan ka tarayso kalsoonida lagu qabo go’aamada garsooreyaasha qarsoon ee VAR ay qaataan ka hor inta aanay lasoo hadal garsooraha dhexe.

Ciyaartii FA Community Shield ee Manchester City iyo Liverpool ayaa la sheegay in aanay taageereyaasha qaarkood ku faraxsanayn sidii ay go’aamada qaarkood garsooreyaashu u gaadheen, gaar ahaan kubaddii gacanta ahayd ee Ruben Dias iyo iyadoo uu Joel Matip u muuqanayay in ay kubaddu gacanta kaga dhacday laakiin aanay VAR soo dhex gelin.