Soomaaliya: 37 Qof Oo Ugu Geeriyooday Cudurka Daacuunka

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay, in 37 qof ay sannadkan Soomaaliya ugu geeriyoodeen cudurka daacuunka.

Warbixinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in bilihii January iyo June laga helay Soomaaliya 8,41 xaaladood oo daacuun ah, 37 qofna ay u dhinteen cudurka.

Qiyaastii 54 boqolkiiba dadka uu soo ritay cudurka sannadkan, ayaa ahaa carruur da’doodu ka yar tahay laba sanno, sida warbixinta lagu sheegay, halka 49 boqolkiiba ay yihiin haween. Sidoo kale 28 boqolkiiba ay aad u fuuqbaxeen.
Tallaalka daacuunka ee afka laga qaato ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya laga billaabay 2017-kii, markaasoo la soo weriyay 78,865 xaaladood iyo 1160 kiis oo dhimasho ah.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda WHO ayaa bishii hore howl galiyay 4,984 shaqaale caafimaad ah, kuwaas oo tallaalay 897,86 qof oo da’doodu tahay 1 jir iyo wixii ka weyn.