Xiddigo Sannado Badan Aad Ku Arkaysay Garoomadda Iyo Wacdarihii Xulasha Goolashoodda

Sannadkan ayaa kuugu dambayn doonta dhamaantood, lamana filayo in aad mar dambe garoomada ku arki doonto iyaga oo ku labbisan midabbada dharka qaramadooda, fursaddii kuugu dambaysay ee aad kaga sii bogan karto iyaga oo taagan fagaareyaasha caalamiga ah.

Koobka Adduunka ee bisha November lagu qabanayo waddanka Qatar ayaa soo afjaraya waayaha xiddigo waaweyn oo ay daawadeyaasha kubaddu ku raaxaysan jireen, kuwaas oo la sheegay inay go’aansadeen in ay ka fadhiistaan ciyaaraha kubadda cagta caalamiga ah.

Inkasta oo ay jiraan kuwo uu kusii jiro hunguri ay ugu sii ciyaaraan dalalkooda, haddana sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ciyaartoyda ay ugu horreeyaan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa shaacin doona inay ka fadhiisteen ciyaaraha caalamiga ah kaddib Koobka Adduunka.

Labadan ciyaartoy oo 12 sannadood ku guuleystay abaal-marinta xiddiga dunida ee Ballon d’Or, ayaanu midkoodna wali ku guuleysanin Koobka Adduunka, waxaanay fursaddoodii ugu dambaysay u haystaan sannadkan.

Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah suurtogal uma noqon doonto inuu afar sannadood kaddib kusoo laabto Koob Adduun, waxaanay taasi ka dhigan tahay in uu markiisii ugu dambeeyey ciyaarayo Koobka Adduunka. Sidoo kale, Lionel Messi oo 35 jir ah ayaa isaguna hore u sheegay in uu go’aan gaadhi doono kaddib koobka adduunka, iyadoo waqtiyo horena uu shaaciyey inuu ka fadhiistay balse uu dib ugu laabtay xulka qaranka Argentine.

Tobanka ciyaartoy ee ugu waaweyn ee Koobka Adduunka ee 2022 uu noqonayo midka ugu dambeeya ee ka baxaya xulalka Faransiiska, Germany, Spain, Brazil, Belgium iyo kuwo kale, ayaa waxa sidoo kale ka dhex muuqda Luka Modric oo sannadkii 2018 dalkiisa keenay finalkii Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka, markaas oo uu qaatay abaal-marinta Ballon d’Or.

Waa kuwan tobanka ciyaartoy ee fagaareyaasha caalamiga ah ee Koobka Adduunka ay sannadkan kuugu dambaynayso iyo xusuusaha safashada iyo goolasha ee ay ka tegayaan

  1. Cristiano Ronaldo (Portugal

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 189 

Goolasha uu u dhaliyey: 117

  1. Robert Lewandowski (Poland)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 132

Goolasha uu u dhaliyey: 76

  1. Thiago Silva (Brazil)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 107

Goolasha uu u dhaliyey: 7

  1. Lionel Messi (Argentine)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 162

Goolasha uu u dhaliyey: 86

  1. Luis Suarez (Uruguay)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 132

Goolasha uu u dhaliyey: 68

  1. Luka Modric (Croatia)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 152

Goolasha uu u dhaliyey:  22

  1. Thomas Muller (Germany)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 116

Goolasha uu u dhaliyey:  44

  1. Karim Benzema (France)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 97

Goolasha uu u dhaliyey:  37

  1. Edinson Cavani (Uruguay)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 133

Goolasha uu u dhaliyey:  58

  1. Manuel Neuer (Germany)

Kulamada uu u saftay xulkiisa: 109

Goolasha uu u dhaliyey:  0