Biden: “Aniga Bixiyay Amarka Lagu Dilay Ayman al-Zawahiri”

Hargeysa, (Aftahannews)-Waxaa duqeyn ka dhacday dalka Afghanistan lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, kaas oo xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyihii al-Qaacida Ayman al-Zawahiri lagu dilay duqayn ay ka fuliyeen caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Biden ayaa hawlgalkaas oo uu ku tilmaamay mid caddaaladda loogu hiilinayey, isagoo rajo ka muujiyay inay ka mid noqoto tallaabooyinka lagu dhayayo boogaha dhibbanayaashii ay eheladoodu ku dhinteen weerarkii 11-kii September ee Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey telefiishanka, fiidnimadii, wakhtiga dalka Maraykanka, ayaa sheegay in sirdoonka Maraykanku inay al-Zawahiri ku raadjoogeen, iyaga oo dusha kala socday guri uu ku dhuumaalaysanayey oo ku yaallay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaas oo ay kula sugnaayeen qoyskiisu.

Madaxweyne Biden ayaa ogolaaday in hawlgalkan la fuliyo “Waxaan bixiyey amarka ugu dambeeya ee ah in tallaabo laga qaado” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida inuu noqonayo tallaabadii ugu cuslayd ee ururkaas laga qaado, tan iyo wixii ka dambeeyey dilkii hogaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida, Osama bin Laden, kaas oo ay ciidamada Maraykanku dileen sannadkii 2011.

“Waxaa la fuliyey caddaaladdii, haatanna hoggaamiyaha ururkan argagixisadu ma noola” ayuu yidhi madaxweyne Biden.

Masuul sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in joogitaanka al-Zawahiri ee caasimadda Kabul inay xad-gudub cad ku tahay heshiiskii ay magaalada Doxa ku gaadheen Maraykanka iyo ururka Taliban, kaas oo jidka u xaadhay in ciidamada Maraykanku ay ka soo baxaan dalka Afghanistan.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku soo waramaysa in weerarka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida inay fuliyeen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Al-Zawahiri ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ugu saamaynta badan ururka al-Qaacida isaga oo soo ahaa, guddoomiye ku xigeenkii Osama Bin Laden tan iyo sannadkii 1998, ka hor intii aanu xilka guddoomiyaha qaban sannadkii 2011, markii la dilay Osama bin Laden.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoggaamiyaha al-Qaacida lagu dilay guri uu lahaa kaaliye sare oo ururka Taliban ka tirsan oo lagu magcaabo Sirajuddin Haqqani.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in qorshaynta hawlgalkan ay soo bilaabatay lix bilood ka hor, balse waxay sii xoogaysatay labadii bilood ee u dambeeyay.

Afhayeenka ururka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in weerar dhanka cirka ah lagu qaaday guri ku yaala deegaanka Sherpur ee magaaladaas.