Somaliland: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka Qayb-galay Xuska Toddobaadka Nasnuujinta

Hargeysa (Aftahannews)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad magaalada Hargeysa loogu sameeyuey Xuska toddobaadka Naasnuujinta.

Munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor, waxa marka laga yimaaddo Agaasimaha guud ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan wasaarada, Hay’adaha iyo ururrada Wasaaradda kala shaqeeya kor u qaadida iyo daawaynta Hooyada iyo Dhalaanka, Culimo ka socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, kalkaalisooyinka caafimaadka iyo Haween.

Ujeeddada loo qabtay munaasibadda  ayaa la xidhiidha sidii kor loogu qaadi lahaa baraarujinta bulshada ee ku saabsan muhiimadda naasnuujinta iyo garab istaaga hooyada

Waxaa munaasibadaasi hadalo kala duwan ka jeediyay saraakiil ka socotay Ururrada iyo Hay’ado ka shaqeeya ilaalinta hooyada iyo dhalaanka, culimo ka socotay wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somailand, waxaanay si isku mid ah ugu dheeraadeen muhiimada ay naas-nuujinta u leedahay hooyada iyo ilmaha iyo sida Caanaha naasku uga qeyb qaato koritaanka ilmaha maskaxda iyo jidhkaba, islamarkaana uu ka badbaadiyo xanuunada ku dhaca caruurta iyo hooyada.

Madaxa barnaamijka naas-nuujinta ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Fadxiya Maxamuud Axmed, ayaa culimadii munaasibadda ka qayb-gashay iyo guud ahaan culimada dalka ka codsaday inay khudbadaha salaadda Jimcaha ku soo qaataan muhiimadda naas-nuujintu leedahay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa si qotodheer ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Naas-nuujintu, isagoo ku baaqay in dhamaan bulshada la fahansiiyo qiimaha ay leedahay in Ubadka Naas-nuujin loo sameeyo.

“Dambarku wuxuu faa’ido u leeyahay hooyada iyo ilmahaba, waxaana la socda maadooyin ilmaha ka difaaca xannuunada ku dhaca caloosha iyo kuwa kale ee Ilmaha soo weerara. Maadooyinkaas oo aan meel kale oo aan caanaha hooyada ahayn laga helayn,” Sidaas waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Horumarinta Caafimaadka, waxaanu intaa raaciyay sida loogu baahan yahay in bulshadu ku baraarugsanaato in Naas-nuujintu tahay sida ugu wanaagsan ee ilmaha caafimaadkiisa lagu illaalin karo.

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyay Hooyooyin la sheegay inay si wanaagsan u naas-nuujiyeen ubadkooda iyo kalkaalisooyin caafimaad oo si hagar-la’aan ah uga qayb-qaatay wacyi gelinta bulshada ee muhiimadda naas-nuujintu leedahay.

Hoos ka daawo muuqaalka