Siyaasi Soomaalida Kenya ka tirsan oo ka hadlay cod hadal hayn badan dhaliyay

Nairobi (Aftahannews)- Junet Maxamed oo ah xoghayaha guud ee isbaheysiga siyaasadda ee Azimio la Umoja ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cod lagu baahiyay baraha bulshada oo isaga lala xidhiidhiyay.

Waxaa codka laga maqlayay isaga oo qorsheynayay kulan heer sare ah oo lala yeesho guddiga doorashada ee Kenya.

Junet Maxamed wuxuu codka la faafiyay mid been ah oo aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana ay ka dambeeyeen shakhsiyaad isaga kasoo horjeedo.

Qoraal uu Junet ku baahiyay bartiisa Twitter-ka wuxuu shacabka ugu baaqay in aanay dhag jalaq u siin codka la faafiyay.

Wuxuu waaxda dambi baadhista ka codsaday inay baadhaan codka si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka ka dambeeyay arrintaas.

Junet Maxamed, ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn ugu dhaw Raila Odinga oo kamid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxtinimada ee Kenya ee bishan ka dhaceysa dalkaas.