Kenya oo ka faa’iday Qaadka ay Soomaaliya u dhoofiso

Nairobi (Aftahannews)- Dowladda Kenya, ayaa malaayiin dollar ka faa’idday qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya muddo kayar toddobaad, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.

Kenya, ayaa qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya ka faa’iday 220 milyan oo ah lacagta laga isticmaalo Kenya una dhiganta 1,800,000 oo doollarka Mareykanka, sida ay sheegtay madaxa shirkadaha dalagyada miiroowga Kenya, taasi oo lagu magacaabo Felix Mutwiri.

“Waxaan dhoofinnay 81.4 tan afarti maalmood ee u dambeysay waxaan rajeyneynaa inay sii kordhaan tirada la dhoofinayo iyadoo ay ogalaansho heleen ganacsatada dhoofisa qaadka”ayay tidhi Felix Mutwiri oo ah madaxa shirkadaha dalaga qaadka Kenya.

Kenya, ayaa tartan adag kula jirta suuqyada qaadka ee Itoobiya kaasi oo Soomaaliya la keenayay tan iyo markii ay Soomaaliya joojisay qaadka Kenya kadib markii uu xumaaday xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhawaan ayay ahayd, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku tegay dalka Kenya, wuxuuna halkaas kula soo gaadhay heshiis dhiggiisa dalka Kenya Uhurru Kenyatta.

Dhinacyada, ayaana markaas isla gartay in dib loo fasaxo qaadka laga keeni jiray Kenya kaasi oo muddo 2 sano ah hakad ku jiray.