Madaxweyne Cagjar oo Xog Cusub Ka Bixiyay Dagaalkii Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo warbixin siinayay baarlamaanka dowlad deegaanka, ayaa xog cusub ka bixiyay dagaalkii u dhexeeyay Liyuu Booliska iyo Al-Shabaab.

Mustafe Cagjar oo su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad deegaanka, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladaas ay khasaare ku gaadhsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortageen halis ku soo wajahnayd deegaanka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sidoo kale tilmaamay in uu aaminsan yahay in illaa 600 oo dagaalyahan laga dilay kooxda Al-Shabaab, maalmihii ay socdeen howlgalladu.

Waxaa kale oo uu qiray in dhankooda uu khasaare ka soo gaadhay dagaalladaasi, balse ma aanu shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay askarta ciidanka Liyuu Booliska.

“Waxaan aaminsanahay in 600 oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahan socday, illaa kuwii shalay, adna waxbaa kaa dhimanaya dabcan, aan ku dilo oo waxbana iga dhiman maayaan socon mayso, waa in la ogaado inaan dagaal ku jirno,” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay gudaha u galaan Itoobiya, kadibna ay ka samaystaan saldhigyo ay ka khalkhal-geliyaan amniga.

“Ujeedadoodu waxay ahayd inay deegaanka soo galaan, ciidan fara badan soo galiyaan, oo halkaas ay ka jabhadeeyaan. Laakiin, fursadaas lama siin,” ayuu raaciyay madaxweyne Cagjar.

Al-Shabaab, ayaa iyaduna hore guullo waa weyn uga sheegatay dagaalladii ay la gashay ciidamada Liyuu Booliska, kadib duulaankii ay ku qaadeen dowlad deegaanka Soomaalida.