Wasiir Xasan Gaafaadhi oo hor tegay Golaha Wakiillada

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo maanta hor tegay guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiillada Somaliland oo kulan is xog waraysi ah la yeeshay.

Wasiirka waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyadda iyo saraakiisha wasaaradda caafimaadka.

Xubnaha guddi hoosaadka joogtadda ayaa wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud waxay su’aallo ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee ay wasaaradu qaranka iyo bulshadaba u qaabilsan tahay.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda, oo saacado qaatay ayaa kadib markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta wada jira faah-faahin uga siiyay qodobadii ay isla soo qaadee wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi, iyo xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe), oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka joogta ah ee golaha Wakiiladda.

Wasiir Xasan Gaafaadhi, waxa uu sheegay in ay wax ka waydiiyeen xaaladaha guud ee caafimaadka bulshadda reer Somaliland waxyaabaha ay ka qabteen baahiyaha caafimaad ee ay dadweynuhu qabaan, waxyaabaha uga qorshaysan daboolida baahiyaha addeeyadda caafimaad ee dalka ka jira.

Gudddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Axmed Xasan Cali (Casoowe), oo ka warbixinayay waxyaabihii ay wasiirka iyo agaasimaha guud kala hadleen.