Ciidanka Booliska Somaliland oo Hal arrin uga digay Xisbiyadda Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay xisbiyadda mucaaraka Somaliland, uga digeen in ay qabtaan mudaharaad aanay ogolaansho u haysan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, ayaa xisbiyadda mucaaradka ah uga digay in ay abaabulaan mudaharaad aanay fasax u haysan.

Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland, ayaa waxaa ay shacabka ugu baaqeen in ay booliska ka caawiyaan is hortaaga bannaanbaxyada.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland, ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan, in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 13 November, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la layaaheen mucaaradka.

Hoos ka daawo muuqaalka