Diyaarado dagaal oo Duqaymo ka gaystay Gobolka Hiiraan

Beledweyne (Aftahannews)- Wararka ka imanaya deegaanka Coomaad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Barqanimadii Maanta ay halkaasi duqeymo ka geysteen diyaarado dagaal.

Diyaaradaha dagaalka, ayaa lagu soo waramayaa inay Maanta duqaynta la beegsadeen xarun ay ku sugnayeen xubno ka tirsana Al-shabaab, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in duqeynta lagu laayay Al-shabaab badan inkastoo aanu carabaanin tirada lagu dilay duqeynta.

Lama oga khasaaraha rsmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay duqeynta Maanta diyaaradaha dagaalka ka geysteen Coomaad oo marka laga soo tago Al-shabaab ay ku nool yihiin dad u badan Xoolo dhaqato oo xiligaan la daalaa dhacaya abaaraha daran ee ka jira deegaanada gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah oo soo baxaya, ayaa sidoo kale sheegaya in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay dagaalyahanada Shabaab halkaasi ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana duqeyntani ay ku soo beegmeysa xili todobaadkii la soo dhaafay askar ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab ay ka gudbeen xad beenaadka uu gobolka Hiiraan la wadaago dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Itoobiya, islamarkaana ay ka dhex dagaalameen gudaha deegaanada dowlad deegaanka.