Ciidammada Itoobiya oo Sheegay inay Dileen Saraakiil Al-shabaab ka Tirsanaa

Addis Ababa (aftahannews):- Taliyaha Ciidammada Difaaca Qaranka Itoobiya, unugga loosoo diray deegaanka Soomaalida ee ka garab dagaallamaya Ciidammada Liyuu Booliska, ayaa shaaciyey in ciidamada Itoobiya ay duqayn ku dileen ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA oo soo xiganaysa Mayor General Tasfaye Ayelu oo ah taliyaha ciidamada federaalka ee toddobaadkan horraantiisii gaadhay deegaanka Soomaalida, ayaa sheegtay, in Fu’aad Maxamed Khalaf (Shangolle) oo ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa Al-shabaab uu ku jiray saraakiisha ay Ciidammadu duqaynta ku dileen Jimcihii maanta.

Waxa kale oo uu Mayor General Tasfaye Ayelu u sheegay warbaahinta in ay sidoo kale dileen Cabdicasiis Abuu Muscab oo ahaa Afhayeenka Al-shabaab iyo Abu Cubayda Nuur Ciise oo ahaa Guddoomiyihii u qaabilsanaa Al-shabaab gobolka Bakool.

Warkan ayaa imanaya iyadoo maanta uu dagaal culus ka dhacay xuduudka deegaanka Soomaalidu la wadaago Soomaaliya, halkaas oo Al-shabaab ay saaka weerarro kusoo qaadeen.

Liyuu Booliska deegaanka Soomaalida oo kaashanaya Ciidamo federaal ah ayaa aagga Aato kula dagaallamay guutooyin ciidamada AL-shabaab ah oo weerar kusoo qaaday.

Ciidammada Liyuu booliska iyo kuwa federaalka Itoobiya, ayaa sheegay inay jabiyeen dagaalyahannada Al-shabaab ee soo weeraray oo ay khasaare weyn gaadhsiiyeen, waxaana warar maanta la isla dhex marayay oo ahaa dilka saddexda sarkaal ee Al-shabaab ee Fu’aad Shangolle, Abu Cubayda iyo Cabducasiis Abu Muscab hadda xaqiijiyey mayor Gen. Tesfaye Ayelu.

Haseyeeshee, Al-shabaab dhankeeda weli kamay soo saarin wax war ah oo la xidhiidha dilka Saraakiisha ka tirsanaa ee Ciidammada Itoobiya sheegeen inay dileen.