Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo gaadhay goobihii ay ku dagaalameen Liyuu boolis iyo Al-Shabaab

Xudur (Aftahannews)- Xildhibhaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa gaadhay goobihii ay dhowaan ku dagaalameen ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad deegaanka iyo Xoogaga Al-Shabaab ee ku yaal gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka mid ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu la xidhiidho xog uruurin iyo sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka ay saameeyeen dagaalladii ka dhacay halkaasi.

“Magaalada Caato oo ahayd meeshii ugu darnayd dagaallada cadowga argagixisada ay ku soo qaadeen ayaa maanta nimid. Runtii Ceel Barde ayaan kasoo baxnay,” ayuu yidhi.

Xildhibaan Aadan Saransoor, ayaa shaaca ka qaaday in markii ay tageen deegaanka si weyn loogu soo dhoweeyay, ayna shacabka aragtidooda ku farxeen, maadaama ay gaadhay dowladdu.

“Markaa nimid waxaa la kulanay odayaasha dhaqanka iyo maamulkii illaa 10 KM markaa soo maraynay ayay naga horyimaadeen aadbay noo soo dhaweeyeen wayna hadleen, runtii mooraalkoodu aad ayay ugu farxeen inay soo gaadhay dowladdu,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, xildhibaanka, ayaa sheegay inay gurmad isugu jira raashin iyo daawo ay gaadhsiiyeen shacabka si loo caawiyo, maadaama ay sameeyeen barakac.

“Ujeedka waaa inaan dhiiri gelino ciidamada, sidoo kale waxaan bulshada u keenay daawo, raashin iyo gurmad-baan u keenay” ayuu markale yidhi Xildhibaan Aadan Saransoor.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka ee barakacay inay guryahooda ku soo laabtaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee ka howlgala xadka.

Dhowaan ayay ahayd markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula galeen xadka Itoobiya, ciidamada dowlad deegaanka, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.