Ciidanka Booliska Somaliland oo Gacanta ku dhigay Xayawaano dalka laga dhoofinayay

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidanka Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin Masri ah, oo sifo sharci daro ah madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, uga dhoofinayay ku dhawaad 150 xabo oo xayawaanka caashobadhida ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Somaliland Faysal Xiis oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in ninka Masriga ahi, uu caado ka dhigtay in uu dhoofiyo xayawaanka ku dhaqan dhulka Somaliland, isla markaana sharciga la marin doono.

 

Taliyaha, ayaa waxaa kale oo uu intaa ku daray in farobaas lagu hayo duurjoogta Somaliland, isla markaana uu booliisku dagaal kula jiro, dad ajaanib ah oo ku foogan ka ganacsiga noocyada kala duwan ee duurjoogta.

10-kii bishii March ee sannadkii 2020, ayaa sidan oo kale nin Masri ah loogu qabtay madaarka Hargeysa, isaga oo dhoofinaya 300 oo caashobadhi ah, sidookale 13-kii bishii September ee sannadkii 2021, ayaa hadana nin Masri ah oo dhoofinaya 200 oo caashobadhi ah loogu qabtay isla madaarka Hargeysa.

Si kastaba, Ma cadda in ninka hada la qabtay iyo nimankaa hore ay isku hal nin yihiin iyo in kale, inkasta oo afhayeenku sheegay in eedaysanaha hada la qabtay uu dhowr jeer isku dayay in uu duurjoogta Somaliland si sharci daro ah ku dhoofiyo.