Kim Jong Un oo ku hanjabay hub Nukliyeer

Pyongyang (Aftahannews)- Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisa “diyaar u yahay inuu Nukliyeer isku difaaco” haddii mustaqbalka isku dhac milateri uu dhexmaro iyaga iyo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washington iyo Seoul, ayaa marar badan ka digay in Pyongyang ay diyaarineyso inay fuliso tijaabadeedii toddobaad ee Nukliyeer, tallaabadaas oo Mareykanka ay ka digeen inay horseedi doonto jawaab “deg deg ah oo xoog badan.”

Khudbaddii ugu dambeysay ee Kim uu jeediyo ee lagu xusayay heshiiskii lagu soo afjaray Dagaalkii Korea, taasi oo Kuuriyada Waqooyi looga yaqaan “Maalinta Guusha”, ayuu ku sheegay in ciidamada dalkiisa “ay sii buuxda diyaar ugu yihiin” xasarad kasta.

“Ka hortagga dagaal Nukliyeer ee dalkeena waa u diyaar in la abaabulo, waana awood xooga badan,” ayuu Kim ku yidhi khudbadda uu jeediyay Arbacadii oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Pyongyang ee KCNA.

Kim oo munaasabadda 69 guurada dhammaadkii dagaalkii 1950-53 kula hadlayay askartii ka qeyb gashay, ayaa adkeeyay “u diyaar ahaanshaha dalkiisa ee inuu meel iska saaro Mareykanka haddii ay isku dhacaan.”

Hanjabaadda Kim, ayaa imanaysa iyada oo Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay sare u qaadeen dhoolatusyada milateri ee mar kasta ka cadhaysiiya Kuuriyada Waqooyi maadaama Pyongyang ay u argato isku diyaarin duulaan ka dhan ah.

Dhinaca kale, Kim, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol oo xukunka la wareegay bishii May, kaasi oo wacad ku maray inuu mowqif adag ka qaadan doono Pyongyang.

“Ka hadalka tallaabo milateri oo ka dhan ah dalkeena oo leh hub dhameystiran oo ah kan ay ugu cabsida badan yihiin waa nacasnimo waana ficil halaag nafsi ah,” ayuu yidhi Kim oo ka hadlayay maamulka Yoon oo uu ku calaameeyay koox “budhcad ah.”

“Isku dayga halista ah ee noocaas oo kale waxaa deg deg u ciqaabi doona awooddeena, islamarakaana dowladda Yoon Suk Yeol iyo milaterigiisaba waa la baabi’in doonaa.”

AFP