Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa iyo Farshaxannimadii Martida DJibouti #HIBF2022

Hargeysa (aftahannews):- Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo uu ka socda bandhigga 15aad ee Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maalinta 5aad maraya, waxa shalay lagu soo dhaweeyey, isla markaana marti ku ahaa Wefti ballaadhan oo ka socda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Weftig reer Jabuuti oo isugu jiray Aqoonyaanno, Abwaann, Macallimiin iyo Bahda Qalinlayda, ayaa oo qayb ka ahaa martida Fagaaraha ee shalay oo ahayd maalintii 4aad, waxa ay bogaadiyeen soo-dhaweynta iyo marti-gelinta ay ku qaabishay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ay ku ammaaneen horumarinta akhrista iyo Dhaqanka suubban.

Martida reer Jabuuti waxa ay xarunta dhaqanka ku soo bandhigeen toddoba Buug oo isugu jiray Taariikh, Culuum Diini ah iyo Suugaan kala duwan, waxaanay ku dheeraadeen sharraxaad ay ku falanqayeen Buugaagta ay soo bandhigeen.

Xubnaha reer Jabuuti, ayaa si farshaxannimo leh uga qaybqaatay barnaamijyada ka socday Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, iyadoo dadweynihii ku sugnaa madashu si kal iyo laab ah ugu sharfeen martida reer Jabuuti oo qaddar saacad ah saarnaa masraxa caweysinka Xarunta, islamarkaana waxa ay la wadaageen su’aalo khuseeya mawduucyada buugaagtu xambaarsanaayeen oo ay si habsami ah uga jawaabeen.

Ugu dambayn, wefdiga reer jabuuti ayaa bulshada Somaliland ka codsaday inay ka soo qayb galaan bandhig lagu dhiirri-gelinayo qoraalka iyo dhaqanka oo ay sheegeen in dhawaan lagu qaban doono magaalada Jabuuti.

Caweysinkii xalay ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo Qayb ka ahaa Bandhigga 15aaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa, waxa qayb ka ahaa barnaamijyo khuseeya dhinacyada Suugaanta iyo Dhaqanka, iyadoo madasha lagu soo bandhigay Heesa dhaqameedyo, Gabayo iyo waraysiyo lala yeeshay Abwaanno iyo xubno ka tirsan Ururrada Bulshada.