Maxay ka Wadahadleen Madaxweyne Biixi iyo Salaadiinta Togdheer, Sanaag iyo Saaxil?

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley Salaadiin ka socday Gobollada Togdheer, Sanaag, Saraar iyo Saaxil oo uu madaxweynuhu u fidiyey martiqaadka kulanka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in kulankaa Lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen horumarka dalka, nabadgelyada iyo xaalada Dalka. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan.

Waxa kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, horumarinta Biyaha, Horumarinta Caafimaadka, Caddaalladda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada.

Dhinaca Salaadiintuna waxay ka koobnaayeen.

  1. Suldaan Maxamud Guuleed Mire
  2. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale
  3. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
  4. Suldaan Sh. Yuusuf Cabdi Cawad
  5. Boqor Maxamuud Cali Carab
  6. Garaad Cali Axmed Xirsi
  7. Suldaan Mustafe Maxamed
  8. Suldaan Cabdiraxmaan Qodax
  9. Suldaan Cabdiraxmaan Abyan
  10. Suldaan Axmed Faahiye
  11. Suldaan Axmed Xasan
  12. Suldaan Cali Jaamac Galaal
  13. Suldaan Abokor Cumar Aadan
  14. Suldaan Maxamed Aaden
  15. Suldaan Maxamed Axmed
  16. Suldaan Ibraahim Cige
  17. Suldaan Cabdirisaaq Cumaani
  18. Boqor Cabdilaahi Xaaji Xasan
  19. Suldaan Maxamed Cali Jabbaan
  20. Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe
  21. Suldaan Maxamed Jaamac Ciise