Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo galay Maalintii 4-aad

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, Maalintii afaraad ka socda bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Biugaagta Hargeysa, taasi oo si rasmi ah loo Daah-furay maalintii Sabtida.

Bandhiggan Carwada Buugaagta Hargeysa oo sannadkani noqonayo kii 15-aad ee si xidhiidh ah loo qabto, ayaa sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay ‘WADA-JIR’, taasi oo lagu Tusaalaynayo ahmiyadda Wada-jirku u leeyahay Dadyawga Caalamka ee reer Somaliland ka mid yihiin.

Waxaana lagu Marti-qaaday Wufuud ka kala socota illaa 30 Dal oo Caalamka ah, diblumaasiyiin, Qoreyaal Caalamiya, Farshaxamiistayaal, dadka shaqeeya horumarinta dhaqamada dalalka Caalamka.

Si Taxane ah, waxa xarunta Bandhiggu ka socdo oo ay ku sugan yihiin boqollaal qof oo meelo kala duwan iskaga kala yimid loogu qabtaa doodo lagaga hadlo arrimo khuseeya waxyaabaha nolosha dadka saameeya, sida Horumarinta Tacliinta, dhaqaalaha, dhaqanka IWM, waxaana doodahaas ka qayb-qaata aqoonyahano ku takhasusay hadba Mawduuca laga hadlayo, waxaana dadweynaha goobta ku sugan fursad loo siiyaa inay daadihiyeyaasha doodahaas su’aalo waydiiyaan, si waxa looga hadlayo loogu sii balbalaadhiyo, loogana qaato Fahan guud oo hadhow bulshada waxtara.

Sidoo kale, intii uu bandhiggu socday waxa la qabtay doodo khuseeya Mawduucyada ay mid yihiin khasaarihii uu geystay dabkii ka kacay suuqa Waaheen, halka ay marayso hawshii dib loo dhisayey isla-markaana lagu taageerayey dadkii ku hanti beelay Suuqa gubtay’. Waxaana aqoonyahannadu halkaa ku soo bandhigeen xogo faro badan oo arrintaa la xidhiidha.

Aqoonyahannada ka dooday dhibaatadii ka dhalatay Dabkii suuqa Waaheen baa’biiyey, waxay isku dul-taageen sida ay muhiimka u tahay in lagu dedaalo sidii uu Suuqaasi u soo kaban lahaa, dhisme ahaan iyo dhaqaale ahaan.

Waxa kale oo ay faalleeyeen waxyaabaha laga baran karo Dabkii suuqa Waaheen iyo waajibaadyada hor-yaalla Ganacsatada iyo Dawladdaba.

Waxa kale oo bandhigga Buugaagta Hargeysa lagaga dooday Mashruuca ‘Berbera Coridor’ oo xilligan qaybo ka mid ahi hirgaleen, halka loo socdo iyo faa’iidada ugu jirta Shacabka Somaliland iyo dalalka deriska ah ee Itoobiya ka mid tahay.

Doodahan muhiimka ah, waxa barbar socda falan-qayn lagu samaynayo qaar ka mid ah Buugaag lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta Hargeysa, waxaana si furan qoreyaasha buugaagtaasi ay dadweynaha madasha fadhiya iyo kuwa Internet-ka kala socda ugu sharraxayaan farriimaha ay buugaagtoodu sidaan.

Sidoo kale, dadweynaha oo muddada uu bandhiggani socdo soo booqda xarunta dhaqanka Hargeysa, ayaa iibsanaya Buugaagta cusub, si ay uga faa’idaystaan.

Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa sii socon doonta illaa 28-ka bishan July 2022.

May be an image of one or more people, people sitting, people standing and text that says 'লස 15 Hargeysa International Book Fair Celebrate with us 15th Anniversary of Theme of the year: SOLIDARITY WADAJIR #HIB 2022 Guest Country Senegal'

May be an image of 3 people, people standing and text that says '022 2022 Itural Centre Fair Celebrate with US 15th An e-versa of CULTURAL sa at BSNTS Bo HCC argeve dsea JNTA PHAQANKA 15 Book Fair Hargeysa International Celebrate with us 15th Anniversary of Theme .h” of the year: SOLIDARITY WADAJIR #HIBF 2022 Guest Country Senegal'

May be an image of ‎2 people and ‎text that says '‎لاط 75 15 Celebrate with us 5th Hargeysa International Book Fair Anniversary of Theme Û of the year: SOLIDARITY WADAJIR #HIBF 2022 Guest Country Senegal‎'‎‎

 

May be an image of 2 people and text that says 'D 15 Hargeysa International Book Fair Celebrate with us 15th Anniversary of Guest Country Senegal Theme of the year: SOLIDARITY ÛY|J WADAJIR #HIBF 2022'

May be an image of 4 people

May be an image of 5 people, people standing and text

May be an image of 5 people and text that says '2022 uly 2022 Cultural Centre Book Fai. Celebrate with US 15th Arniverory of gey err Fa ation nargeysak HC XARUNTA DHAQANKA 15 Hargeysa International Book Fair Celebrate with us 15th Anniversary of Theme of the year: SOLIDARITY| WADAJIR #HIBF 2022 Guest Country Senegal'

May be an image of 5 people and text that says '#HIBF2022 23-28 July 2022 Venue: Hargeysa Cultural Centre Cele' LO XARUNTA DHARAN TAOANKA TA MOANKA 15 Celebrate with us 5th Hargeysa International Book Fair Anniversary of Û of the year: SOLIDARITY WADAJIR #HIBF2022 Guest .. Country Senegal'

May be an image of 3 people, people sitting and text that says 'RUNTA DHAGANKAEAS DHAGANKA 15 Hargeysa International Book air Celebrate with us 5th Anniversary of Guest Country Senegal Theme of the year: SOLIDARITY WADAJIR #HIBF2022 2022'

May be an image of ‎6 people, people sitting, people standing and ‎text that says '‎Redsea Cultural Foundation presents #HIBF2022 २8 July 2022 Hargeysa Cultural Centre AA IARITY WADAJ of the ear: Country: Senega Celebrate with Ar iversas iversa/of of S a Book XARUNTA DHAQANKA 15 Celebrate with 75 us 5th Ee Hargeysa International Book air Anniversary of Guest Country Senegal Theme the .h year: SOLIDARITY ۔ WADAJIR #HIBF2022 2022‎'‎‎

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and text that says '#HIBF2022 #HIBF 23-28 July 2022 Venue: Hargeysa Cultural Centre XARUNTA DHAQANKA FF TERNATIONAL 15 Hargeysa International Book air Celebrate with us 15th Anniversary of Guest Country Senegal Û Theme o the year: SOLIDARITY WADAJIR #HIBF 2022'