Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Qaahira (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd.

Madaxweynaha, ayaa uga warbixiyey Xoghahaya Jaamacadda Carabta, xaaladda Soomaaliya iyo dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dib u dhiska dowladdnimada iyo la dagaallanka argagixisada Al-shaabaab, isagoo tilmaamay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato Ururkan oo xubin muhiim ah ay ka tahay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Abuu Al-qeyd, ayaa ka arrinsaday sidii Ururka Jaamacadda Carabtu ay u dardar gelin lahaayeen gacanta ay ka geysanayaan howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa, Axmed Abuu Al-qeyd, ayaa xaqiijiyay in Jaamacadda Carabtu ay garab-taagan tahay qorsheyaasha dib u heshiisiinta iyo dowlad dhiska ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uuna ugu hambalyeey dib u doorashada iyo hiigsigiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis ah.