Madaxweynaha Puntland oo magacaabis cusub Sameeyay

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kaa oo uu ku magacaabay xilal Cusub.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland, ayaa magacaabay La-taliye Madaxweyne Ku xigaanka maamul goboleedka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa lagu yidhi sidan:-

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay.