Xukuumadda Somaliland oo soo bandhigtay sababaha ay Dalka uga joojisay BBC Somali

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sababaha ay BBC Soomaali uga joojisay dalka ku sheegtay, dhexdhexaadnimo la’aan dhanka tabinta iyo shaqaalaysiinta ah iyo in ay buunbuuniso xumaanaha Somaliland, wanaagyadeedana hoos u dhigto.

Qoraal faah faahinaya sababaha loo joojiyay BBC Somali, oo wasaaradda warfaafinta Somaliland, ku socodsiiyay wasaarada arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu soo koobay 6 qodob oo loo cuskaday joojinta BBC Somali laga joojiyay Somaliland.

Qoraalka ayay wasaarada warfaafintu ku sheegtay in BBC Somali ay lumisay dhexdhexaadnimadii wararka iyo doodaha, iyadoo ka eexata Somaliland markay wararka, doodaha iyo barnaamijyada baahinayso iyo in ay buunbuuniso xumaanaha Somaliland, isla markaana ay hoos u dhigto guulaheeda.

Markay noqoto fikradaha dadwaynaha ra’yigooda ka dhiibta wararka ka baxa idaacada, ayaa qoraalka lagu sheegay in BBC-du xulato kali ah dadka mudiciga ku ah Somaliland, iyo in ay isku dhex darto fikradaha dadka kunool Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalida.

Waxa kale, oo lagu sheegay in BBC-du ay dacaayadu ku furto maalmaha dabbaaldegyada Somaliland, sida maalinta xuska 18 May oo ku beegan markii ay Somaliland ka noqotay midowgii ay la gashay Soomaaliyadii Talyaaniga ka xorowday.

Waxa lagu xusay in ay idaacadu dacaayado ku furto safarada madaxweynaha Somaliland ku tago waddamada adduunka, isla markaana ay warar aan sugnayn ka faafiso shakhsiyaadka iyo dowladaha uu madaxweynuhu booqdo.

Waxa ugu danbayntii, lagu sheegay qoraalka in BBC-du aanay haba yaraatee wax fursad shaqo ah siin, dhalinyarada warbaahinta ku jira ee reer Somaliland, taaso oo keentay in wararka ay baahiso ay noqdaan qaar dhinac ka raran.

Qoraalkan oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koorre, ayaa u dhignaa sidan:-

1 Laanta afka Soomaaliga ee BBC-du waxa ay baryahan danbe lumisay dhexdhexaadnimadii wararka iyo barnaamijyada ee ku saabsan arrimaha siysaada, arrimaha bulshada iyo kuwa dhaqan dhaqaale haday tahay doodaha iyo falanqaynanaha kuwaas oo marlba dhinac u raran.

2 Laanta Afka Soomaaliga BBC inta badan kama waranto ahmiyadna ma siiso wararka sheegaya guulaha iyo dhacdooyinka waa weyn ee Somaliland, iyada oo taasi beddelkeeda buunbuunisa dacaayadaha iyo been abuurka laga sheegayo Somaliland.

3 Had iyo goor laanta afka Soomaaliga ee BBC marka ay soo gudbinayso fikirka dadweynaha dhinaca Facebook waxa ay soo xulaan fikradaha dadka liddiga ku ah ee Jamhuuriyadda Somaliland meelkasta ha joogaan iyaga oo geesta kalena isku mid ka dhigaya isna dhexgalinaya dadweynaha ku kala kala nool magaalooyinka iyo degaanada labada ee Somaliland iyo Soomaaliya.

4 Waxa ay dayaacayado ka sameeyaan oo ay ku jeesjeesaan maalmaha xusaska ee Jamhuuriyadda Somaliland sida 18-ka May iyo xusaska kale ee muhiimk ah.

5 Markasta waxa ay dacaayad iyo been abuur ka sheegaan dedaalada iyo safarada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo waftiyada uu hoggaaminaya ay ugu baxaan dadalka adduunka iyaga oo geesta kalena dhaleecayn iyo dacaayadba ka sheegta dawladaha iyo shakhsiyaadka ka marti galiya wufuuda iyo kuwa ka hadlaba waxyaabaha ay Somaliland xaqa u leedahay.

6 Waxa ay cadaysatay in aanay haba’yaraate wax fursad ah oo dhinaca shaqada ah siin muwaadiniinta reer Somaliland, taas oo keentay in ay dhinac ka raran tahay.

Fiiro Gaara:Qodobada kor ku xusan qaar ka mid ah waxa ku lifaaqan caddaymaha oo sawiro iyo fadhiyoba leh.

Waxa kale oo xusid mudan in arrimahan lagu eedaynayo idaacada BBC laanta Afka Soomaaliga ay soo noq noqdeen, taas oo marar badan hadal iyo qoraalba ugu gudbiyeen wasiiradda kala danbeeyay soo maray wasaaradda warfaafintu, balse aanay wax tallaabo ah ka qaadin madaxda BBC.