Faahfaahin ku saabsan duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Warrarka laga helayo Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah lagu qaaday bar koontarool oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobbolka Shabeellada Hoose, ayaa waxa xigay hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helokobtarada.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhow ciidamada Danab, waxa laba gantaal oo ay riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu dhuftay bar ay canshuuraha ku qaadi jireen Al-Shabaab, waxana markii dambe ku daatay ciidamo ka dagay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Illo wareedyadaasi waxay sheegeen in ku dhawaad labaatan ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerarka xalay ka dhacay Shabeellada Hoose.

Illaa hadda Al-Shabaab kama hadlin weerarka ka dhacay Tooratoorow, mana jiraan illo madaxbannaan oo ka hadlaya sida aagaasi waxa uga dhaceen.