Jaamac Muuse Jaamac oo soo bandhigay marxaladihii uu soo maray Bandhigga Buugaagta Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa, ahna Aasaasaha Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa soo bandhigay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Bandhigga Buugaagta Hargeysa iyo muhiimadda uu Qaranka ugu fadhiyo.

“Ku soo dhawaada 15-guurada bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa. Waa 15-sannadood oo la dareemay faa’idada uu u keenay qarankan iyo umaddan Somaliland oo sannad kasta lagu soo bandhigayey mowduucyo kala duwan oo xambaarsan danaha Qaranka. Waa 15 sannadood oo maanta hana-gaadh ah, suurto-galisayna madal midaysay umaddan ciddii u soo fekertay,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Dr Jaamac Muuse Jaamac.