ONLF maxay ka tidhi eedaynta uga timid Maamulka Gobolka Bakool

Hoggaanka ONLF
Hoggaanka ONLF

Jigjiga (Aftahannews)- Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge, ayaa iska fogeeyay eedayn ururkiisa uga timid dhanka maamulka gobolka Bakool ee Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay kuwo aan xogagaal u hayn xaaladda Ururka ONLF.

Waxa kale oo uu sheegay Afhayeenku in dadka eedayntaa us oo jeedinaya ay yihiin kuwo aan xogagaal badan ahayn, oo xitaa aan ogayn inta ay isku jiraan ONLF iyo Al-Shabaab oo uu sheegay inay inbadan dagaalo iskaga horyimaadeen marar hore.

Ujeedka ay Al-Shabaab u soo gashay degaanka Soomaalida ayuu Afhayeenku ku sheegay mid naf lacaarnimo ah.

“Waa siyaasad naf lacaarnimo ah, Soomaaliya gudaheeda ayaa lagu jabiyay, Soomaaliya ayay shacabkeeda kusoo duuleen, iyaga iyo dowladda Soomaaliya ayaa is haystay, hadda way tabar yar yihiin, duullaanka hadda ee lala soo doontay degaanka Soomaalida waa mid naf lacaarnimo ah”.

Geesta kale, Afhayeenka ayaa xusay in ONLF ay mar walba garab taagan tahay howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, wuxuuna Afhayeenku baaq u diray shacabka degasnka Soomaalida.

” Ciidanka Liyuu booliska in lagarab istaago weeyi oo xoog iyo xoolaba lala garab istaago, shacabku xaq ayay u leeyihiin inay ilaashadaan amniga degaankooda, xaq uma laha in kooxda lagu soo habaarey shacabka Soomaaliyeed ee Al Shabaab in degaanka ay soo galaan”. ayuu yidhi Afhayeenka ONLF Caddaani hirmooge.

Ugu dambayn Afhayeenku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in cid,walba oo degaanka Soomaalida u dhalatay ay ka qayb qaadato sidii loo soo afjari lahaa arrintan oo ciddii qori iyo qalin kaga qayb qaadan kartaa ay kaga qayb qaadato.

Dagaalkan u dhaxeeya Ciidamada Booliska gaarka ah ee degaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis iyo Al Shabaab, ayaa galay maalintiisi 4aad, iyadoo wali dagaalku socdo oo maanta wararka lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in dagaalkii ugu adkaa uu ka socdo gobolka Afdheer ee degaanka Soomaalida.