Iran iyo Sacuudiga oo horumar ka sameeyay wadahadalladii u dhexeeyay

Iran iyo Sacuudi Carabiya

Tehran (Aftahannews)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, ayaa sheegay in dalkiisa iyo Sacuudi Carabiya ay diyaar u yihiin in ay wadahadallada ay ku heshiinayaan ay u gudbaan kuwa heer sare ah, waxaana tani ay imaneysaa sanad ka dib markii ay wadahadalkan bilaabeen labada dhinac, iyo lix sano ka dib markii uu xumaaday xidhiidhka labadan dal.

Tan iyo bishii April ee sanadkii hore, Ciraaq, ayaa martigelisay ilaa shan wareeg oo wadahadallo u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran, kuwaasi oo kala taageera dagaallada ka socda qeybo ka mid ah gobolka.

“Horumar ayaa laga sameeyay wadaxaajoodyadan,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Hossein Amir-Abdollahian ku yidhi wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda Iran.

Waxa uu intaasi ku daray in toddobaadkii hore ay Iran heshay farriin ka timid wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq Fuad Hussein uuna ku sheegay in “dhinaca Sacuudigu ay diyaar u yihiin in wadahadalka uu u gudbo dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.”

Dublumaasiga sare ee Iran, ayaa xusay in wareegyadii hore ee wadahadalladu ay ahaayeen kuwo ku kooban saraakiisha ammaanka.

“Waxa aan ku dhawaaqnay in aan diyaar u nahay in wada-hadallada ay galaan siyaasadda,” ayuu yidhi.

Sannadkii 2016-kii, dibad-baxayaal Iiraaniyiin ah, ayaa weerar ku qaaday xafiisyada dublumaasiyadda ee Sacuudiga ee ku yaalla Iran ka ddib markii boqortooyadu ay xukun dil ah ku fulisay wadaad Shiico ah, Nimr al-Nimr. Riyaad oo taasi ka jawaabeysa ayaana xidhiidhka u jartay Tehran.

Amir-Abdollahian, ayaa sheegay in uu rajeynayo in wadaxaajoodyada ay kula jiraan Riyadh ay keento in “uu caadi ku soo laabto xidhiidhkii u dhexeeyay Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

Markii uu xumaaday xidhiidhkii Iran iyo Sacuudiga, Imraataatka Carabta ayaa hoos u dhigay xidhiidhkooda dublumaasiyadeed ee Iran, iyadoo Kuwait ay iyana dib ugu yeedhatay safiirkoodii dalkaasi.

Toddobaadkii hore, dowladda Imaaraatka ayaa sheegtay in ay “ka fiirsaneyso” in ay safiir u magacowdo Tehran.

Amir-Abdollahian, ayaa sheegay in ay tallaabo sidan oo kale qaaday Kuwait oo uu safiirkeeda cusub “gaadhi doono Tehran maalmaha soo socda,” sida uu yidhi.

AFP