Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Afduub ay Gabdho Walaalo ah jileen

Muqdisho (Aftahannews)- Afhayeenka Booliska SoomaaliyA Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyAy dhacdo ka dhacday degmada Dayniile, taas oo ku saabsan Afduub jileen ah oo ay sameeyeen laba gabdhood walaalo ah.

Afhayeenka, ayaa marka hore beeniyay in la afduubtay gabdhahaasi, sida ay warisay warbaahinta qaar, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asma Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiya Cabdullaahi Cismaan, isla-markaana ah 15 sano jir iyo sidoo kale 13 sano jir.

Cabdifitaax Aadan Xasan, afhayeenka booliska Soomaaliya, ayaa tilmaamay in afduubka aanu jirin, balse ay soo abaabuleen labada gabdhood oo waalidiintooda u sheegay in la afduubtay.

“Afduubka la sheegay ee warbaahinta laga baahiyay ma’aha afduub sax oo jira waa afduub ay gabdhaha abaabuleen iyaguna ay waalidiintooda u sheegeen in la afduubtay,” ayuu yidhi afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sababta ay sidaas u sameeyeen ayuu afhayeenku ku sheegay cabsi ka qabeen Aabahood oo Macalin Dugsi ah, kadib markii ay ka soo daaheen gurigooda, xilli habeen ah.

“Gabdhaha oo la wareystay xaqiiqdana la ogaaday ayna caddeeyeen inay ka baqayeen Aabahooda, maadaama ay xilli habeen ah soo habsaameen,” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa Aabe Cabdullaahi Cismaan Abkow oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inuu walwal xoogan dareemay markii uu waayey carruurtiisa, wuxuuna tilmaamay in mar xitaa loo sheegay in gabdho meydad ah la soo dhigay xaafadda Tiida ee magaalada Muqdisho.

“Intii ay gabdheheyga maqnaayeen laba gabdhood oo meyd ah ayaa lasoo dhigay xaafadda Tiida ayaa leygu dhahay” ayuu yidhi Aabe Cabdullaahi, wuxuuna u mahadceliyey Booliska.

Arrintan, ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan iyo cabsi soo wajahday dadka deegaanka, maadaama markii hore la sheegay in labada gabdhood laga afduubtay gurigooda, taas oo uu haatan beeniyey Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya oo saameeyay baadhis dheeri ah.