Itoobiya oo shaacisay tirada Askarta lagaga dilay dagaalkii xuduudda ee Al-Shabaab

Addis Ababa (Aftahannews)- Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Itoobiya, ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday xuduudda, isaga oo qirtay in tiro askar ah laga dilay ciidamada booliska dalkiisa, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaalka, ayaa sheegay in Itoobiya laga dilay 17 askari oo boolis ah, balse ay Al-Shabaab ka dileen 63 dagaal-yahan. Al-Shabaab ayaa hore u sheegtay inay dagaalka ku dishay 87 askari oo ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis.

Weerarkan, ayaa Arbacadii dhacay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool, kadib markii maalmo ka hor laga dilay taliye sare, sida uu sarkaalka sheegay.

Inta badan Al-Shabaab ayaan weeraro ka gaysan xuduudda Itoobiya, si ka duwan xuduudda Kenya, sababo la xidhiidha ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda iyo dhul badan oo ka mid ah Soomaaliya kuna dhow xuduudda.

Sarkaalka Itoobiyaanka ah ee la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in taliye Al-Shabaab ah uu ka soo gudbay xuduudda, si uu unug ka tirsan kooxdaas uga aasaaso gudaha Itoobiya.

Inkasta oo sarkaalka Itoobiyaanka ah uu markii hore tirada khasaaraha gaadhay ku sheegay 17 askari, haddana wuxuu goor dambe sharxay inay ku jiraan dad shacab ah.

Waxa uu sheegay in booliska gobolka Soomaalida ay hub culus iyo gawaadhi ka qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana uu arkay dhimashada xubno badan oo ka tirsan kooxda. 

Afhayeenka milateriga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa hore u sheegay in dagaal-yahanada ay qabsadeen Yeed iyo Caato, ayna dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay khasaaraha dagaalka. 

Abu Muscab kama hadlin khasaaraha gaadhay Al-Shabaab.