Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda deegaanadii ay Al-shabaab weerarka ku qaadeen

Bakool (Aftahannews)- Taliyaha milatariga Soomaaliya ee gobolka Bakool, ayaa sheegay in degmooyinka Yeed iyo Ceel barde ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyuu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Taliyaha milatariga wuxuu sheegay, Al-shabab inay maalmihii dambe wadeen is abaabul xooggan, hase ahaatee wuxuu sheegay inaanay n ka filayn inay u gudbaan dhinaca xadka.  

Wuxuu sheegay inay muddo 8 saacadadood ah hawada ka maqnayd isgaadhsiinta magaalooyinka Baydhabo iyo Xuddur, taasoo uu sheegay inay tahay wax la yaab leh oo ka dhaxeyn kara Al-shabab iyo maqnaashaha isgaadhsiinta.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa goor dhowayd sheegtay inay 87 askari ku dileen dagaalkii ay ku qabsadeen Yeed iyo Aato, waxayna soo bandhigeen maydadka askarta ay weerarkaas ku laayeen.

Al-shabaab waxay kaloo sheegeen inay ku furteen hub, saanad iyo  gaadiid dagaal oo yaalay xeryayaha milatari ee ciidamada Liyuu Booliska.