Joe Biden oo laga helay Xanuunka COVID-19

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Khamiista maanta ah laga helay xanuunka COVID-10, waxaa sidaas shaaciyey Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad, ayaa lagu sheegay in 79 jirkan uu dareemayo “astaamaha cudurka oo khafiif ah,” islamarkaana uu si buuxda u gudan doono shaqooyinkiisa isaga oo isku go’doomin doona Aqalka Cad.

“Si buuxda ayuu u talaalan yahay wuxuuna laba jeer qaatay tallaal xoojin ah. Wuxuu dareemaya astaamo kooban,” ayaa lagu yidhi war-saxaadeedka ka soo baxay Aqalka Cad, oo intaas ku daray in Biden uu billaabay qaadashada kiniinka difaaca COVID-19 ee Paxlovid, oo ay sameyso shirkadda Pfizer.

“Si waafaqsan tilmaamaha CDC, wuxuu isku go’doomin doonaa Aqalka Cad, wuxuuna si buuxda u gudan doonaa waajibaadkiisa muddadan.”

Biden, ayaa lagu waday inuu maanta u safro gobolka Pennsylvania, taasi oo qeyb ka ah safarro uu dalka gudihiisa ku marayo si uu u xoojiyo xisbiga Dimoqraadiga kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha November.

Dimoqraadiga, ayaa wajahaya doorasho adag oo ay u badan tahay in lagagala wareego aqlabiyadda Aqalka Wakiilada iyo Senate-ka.

Madaxweyne Biden, ayaa sidoo kale wajahaya wakhtigii ugu adkaa muddo xileedkiisa, waxaana hoos u sii dhacaya tirada dadka la dhacsan hab maamulkiisa.

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Quinnipiac University oo la baahiyey Jimcihii, ayaa muujineysa in kaliya 31% shacabka Mareykanka ay ku qanacsan yihiin habka uu u maamulayo dalka.

Biden, ayaa lagu warramay in guud ahaan xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, hase yeeshee da’diisa 79 jirka ah ayaa abuureysa walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo COVID-19.

AFP