Siyaasi Maxamuud Xaashi oo Hargeysa Kaga Dhawaaqay Urur-siyaasadeed cusub

Hargeysa (Aftahannews)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagaga dhawaaqay urur-siyaasadeed loogu wan-qalay KAAH, kaas oo ka mid noqday liiska tobaneeyo urur-siyaasadeed oo dalka lagaga dhawaaqay tan iyo markii uu xukuumaddu shaaciyey inay furan yihiin ururrada Siyaasadda ee Somaliland oo tobankii sanno-ba hal mar la furo.

Urur-siyaasadeedkan oo uu hoggaaminayo siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore uga mid ahaa xisbiga Kulmiye iyo siyaasiyiin kale oo miisaan ku leh dalka.

Munaasibadda Daah-furka urur-siyaasadeedka KAAH oo ay ka qayb-galeen siyaasiyiin, madax-dhaqameed, xildhibaanno, dhalinyaro iyo Haween, waxa iska iska xaadiriyey oo inay ku biireen ka shaaciyey xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo intooda badani ka tirsanaa kana soo baxay Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose