Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Amray in loo gurmdo deegaano ay weerareen Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa amray hay’addaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka Soomaaliya inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen shalay.

Dagaal culus, ayaa Arbacadii shalay ka dhacay deegaano ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah ku qaadeen halkaas.

Deegaanada ay Al-Shabaab weerareen, ayaa kala ah; Yeed iyo Aato, halkaasi oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad shan saac.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,
Amarka Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada la weeraray.

“Ra’iisal Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaadhsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaadhay,” ayaa lagu yidhi qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa sheegtay inay qabsadeen Yeed iyo Aato, balse sheegashadiisa lama xaqiijin karo.