Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Qaabilay Ergayga Finland u qaabilsan Geeska Afrika

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan Nabdda Gobolka Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo booqasho ku yimi dalka.

Kulankan waxa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada, ayaan wax faah-faahin lagaga bixin waxyaabaha ay ka wadahadleen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan Nabdda Gobolka Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed.