Xasan Sheekh oo Soomaaliya Taageero uga raadinaya ku biirista Urur Goboleedka EAC

Arusha (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku wajahan dalka Tanzania, ayaa Soomaaliya taageero uga raadinaya in ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah madax lagu casuumay shirweynaha 22aad ee bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagaga hadlayo helitaanka suuq ganacsi oo qayb ka ah iskaashiga horumarka dhaqaalaha EAC.

EAC waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaadhan kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dalladdan, ayaa dhaqaalaha wadajirka ah ee sanadkii lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Dollar.

Dadweynaha ku nool dalalkan oo wadarta tiradooda lagu qiyaaso 312 oo Malyan, ayaa waxaa ay leeyihiin hal Baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

 (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku wajahan dalka Tanzania, ayaa Soomaaliya taageero uga raadinaya in ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).