Wasiir Keyd: “Waxaynu Tusnay Adduunyada in aanu nahay Dal isku Tashaday oo Adkaysi leh”

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale, ayaa sheegay in Somaliland tahay dal isku tashaday oo adkaysina leh.

Wasiir Ciise Kayd Maxamuud, ayaa intaa ku daray in Adduunyada ay u sheegeen in shacabka Somaliland wax kaliya wada doonayaan,isla,markaana gacmaha laysku qabsado wax kasta oo ku yimaada.

Ciise Kayd, ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasibad lagu xusayay Maalinta Qaranimada dalka Faransiiska oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu bilownay in aduunyada u sheegno in aynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland oo u furan cid walba,waxa aynu tusnay aduunyada in aynu nahay dad isku tashaday oo adkaysina leh.waxaana aynu nahay dad wax kaliya wada doonaya waxa aad maqashaan Xisbiyadii ayaa is haysta wax walba oo laysku jiid jiito gacmaha ayaa lays qabsadaa,qofna ma,doonayo in dalkan quruxda badan ee dhiiga badan loo daad shay ee si dhibyar aan lagu soo galin madhacayso in uu burburo,”.