Madaxweyne Biixi: “Waxa laysku raacsanyahay inuu Sheekh Aadan Siiro ahaa Samafale wayn”

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo maanta xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Hargeysa loogu sameeyey marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya.

Madaxweynaha  oo ay wehelinayaan madaxda dalka ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiyaha golaha Wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, culimaa’uddiin kumannaan katirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa janaasada marxuumka ku tukaday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka marxuumka, bahda culimada iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey samofale weyn oo dunida korkeeda kaga tegay sunneyaal khayri ah oo bulshada manfacaya.

Madaxweynuhu waxa ku dheeraaday kaalintii samofal ee maxruumka iyo tallaabooyinkii wanaagsanaa ee ka shaqayn jirey markii uu noolaa iyo sida ay bulshada u anfaceen, “Waxa la isku raacsan yahay inuu sheekhu ahaa samo-fale weyn oo aad samaha uga shaqeeyey, wuxuu ahaa ninkii xabaalahan maanta lagu aasayo aas-aaskeeda lahaa ee hoyga Aakhiro lafihiisa iyo kuweennaba u diyaariyey,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.