Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Jowhar (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay magaalada maanta.

Wararka, ayaa waxaa ay sheegayaan in ugu yaraan seddex masuul oo ka mid ah maamulka Hirshabeelle ay ku dhaawacmeen qaraxan oo la sheegay inuu ahaa ismiidaamin.

Sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo degaanka ku sugan oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah, ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaadhi xamuul oo lagu soo raray qalabka dhismaha in lagu bartilmaamedsaday Hotel Shabelle oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Ilo wareedyada la hadlay VOA, ayaa xaqiijiyey inay dhaawacmeen in ka badan toban qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan maamulka iyo xildhibaanada Hirshabeelle.

Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana warbaahinta ururkaasi taageertaa ay sheegtay in qaraxan uu ahaa ismiidaamin.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegtay in hawgal ka dhan ah Al-Shabaab uu ka dhacay dooxada Jubba, kaasi oo lagu dilay laba ka tirsan mintidiinta ururkaasi. Faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin hawlgalkaasi iyo qaabka uu dhacay.

Waa qaraxii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Jowhar sida ay sheegayaan wararku.

VOA