Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyay Xeerka Xuquuqda Carruurta

Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaanada aqalka golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi ay maanta yeesheen waxaa ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka xuquuqda carruurta ee dalka xeer Lr. 102 /202.

Xeerkan xuquuqda carruurta Somaliland ee xeer Lr. 102 /202 oo maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen xildhibaanada golaha Guurtidu, ayaa ka soo gudbay xildhibaanada golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga maanta shir guddoominayay, ayaa cod gacan taag ah u qaaday xeerkaasi, waxaana ogolaatay 40 xildhibaan, halka ay 3 mudane diideen, islamarkaana waxaa ka aamusay 7 mudane, xeerka xuquuqda caruurta xeer Lr. 102 /202.