Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay Jabuuti

Djibouti (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa waxaa uu maanta gaadheen dalka Jabuuti.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhaweynta iyo martiqaadka ay ku maamuuseen isaga iyo wefdigiisa.

Labada mas,uul, ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan sidii dib loogu hagaajin lahaa xidhiidhka labada dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu ku sugan yahay Jabuuti waxa uu kulan la qaadan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeedin doona Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog warramo xaaladda Soomaaliya iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xidhiidhka labada dal iyo doorka wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.