Xukuumadda Somaliland oo Boggaadisay Ansixinta Xeerka Iskaashiga Mareykanka

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysay xeerka difaaca qaranka Maraykanka, oo Golaha Wakiilada Maraykanku wax ka badal ku sameeyeen si loo waafajiyo xidhiidh difaac oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay Somaliland soo dhaweynayso wax-ka-badalka xeerkan oo goluhu ansixiyeen Khamiistii shalay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa lagu yidhi, “Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku bogaadinaysaa Golaha Wakiilada Maraykanka meel-marinta Xeerka ogolaanaya in wasaarada arrimaha dibaddu samayso cilmi-baadhis iyo ka warbixinta suurto-galnimada iskaashi dhinac amaanka ah oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland”.

Xeerka ayaa suurta-galinaya inay Maraykanka iyo Somaliland ka wada shaqeeyaan saldhig Milatari oo xulafada reer Galbeedku ka samaystaan Berbera oo u fududaynaya hawl-gallada Milatari ee ay ka leeyihiin Geeska Afrika, si looga hortago saamaynta Shiinaha ee mandaqadda, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo Ka ganacsiga hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Wakiilka Somaliland ee Maraykanka Bashiir Good, ayaa isna soo dhaweeyay ansixinta xeerkan, isaga oo golayaasha sharci dajinta Maraykanka ku booriyay in ay gacan ka gaystaan dhaqan galintiisa.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa qalka wakiilada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgalinta talaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibada iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi-baadhis wakhti ku qabsoonta oo horseeda horumarinta danaha la wadaago ee labadeena dimuquraadiyadood,” sidaas ayuu yidhi Safiirku.

Somaliland iyo Mareykanka, ayaa la filayaa in ay dhawaan kala saxeexdaan heshiis iskaashi oo salka ku haya dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga maadama la ansixiyey xeerkii suurto-galinayay heshiiska oo ku yimi booqashadii madaxweynaha Somaliland bishii March ee sannadkan kku tagay Washington.