Dilkii Khashoggi oo hadheeyey booqashada Biden ee Sacuudiga

Riyadh (Aftahannews)- Saraakiisha Sacuudiga, ayaa Sabtida maanta ah sheegay in doonayaan in hore looga socdo dilkii saxafigii Jamal Khashoggi, maalin ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu arrinta dilkaasi ku soo qaaday wadahadal uu la yeeshay dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Xiisadda labada nin, ayaa aad u sarreysay ka hor kulankoodii ugu horreeyay ee ay yeeshaan, gaar ahaan ka dib markii maamulka Biden uu sannadkii hore shaaciyay qiimeyn ay sameeyeen hay’addaha sirdoonka Mareykanka oo ay ku sheegeen in Amiir Maxamed “uu ansixiyay” howlgalkii sababay dilka Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Boqortooyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Hadal uu Biden jeediyay fiidnimadii Jimcaha, ayuu ku tilmaamay dilkii Khashoggi mid “ceeb ah” wuxuuna sheegay in uu uga digay Amiir Maxamed in markale la beegsado mucaaradka, isagoo aan caddeyn tallaabada uu qaadi doono.

TV-ga Al-Carabiya oo soo xiganaya sarkaal Sacuudi ah, ayaa wariyay in labada hoggaamiye ay si kooban uga hadleen arrinta Jamal Khashoggi uuna Amiir Maxamed “xaqiijiyay in waxa dhacay ay yihiin kuwo laga qoomameeyo, waxa aanna qaadnay dhammaan tillaabooyinkii sharciga ahaa si aan uga hortagno” in ay markale dhacaan.

Amiir Maxamed, ayaa sidoo kale tilmaamay in “dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo meel kasta oo dunida ka mid ah”, isaga oo tilmaamay “qaladaad badan” oo ay Washington samaysay sida jidh-dilkii maxaabiistii ku xidhneyd xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq, Al-Carabiya ayaa sidaasi werisay.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir oo wareysi siiyay CNN, ayaa shaki galiyay qiimeynta sirdoonka Mareykanka ee ah in Amiir Maxamed uu amray howlgalkii 2018-kii lagu dilay Khashoggi, arrintaasi oo uu Amiir Maxamed beeniyay.

“Waan ognahay waxa ay qiimeyntii sirdoonku ku sheegtay in uu Saddaam Xuseen haystay hubka wax gumaada,” Jubeir ayaa ugu jawaabay Wolf Blitzer, isdhaafsigaasi oo si weyn loogu wadaagay baraha bulshadu ku xadhiidho ee Sacuudiga.

Eedeymihii sheegayay in kaligii-taliyihii Ciraaq uu haystay hubka wax gumaada, ayaa sababay dagaalkii Ciraaq ee 2003-dii.

Jubei, ayaa sidoo kale caddeeyey in Sacuudigu uu rumeysan yahay in arrinta Khashoggi si buuxda wax looga qabtay, inkastoo aan wali la helin meydka Khashoggi.

Maxkamad ku taalla Sacuudiga, ayaa sannadkii 2020-kii ku xukuntay siddeed qof xabsi u dhexeeya 7 ilaa 20 sano oo xadhig ah. Ilaa hadda lama shaacin magacyada dadka la xukumay.

“Boqortooyada Sacuudi Carabiya baadhitaan ayay ku sameysay dambigaasi. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maxkamadeysay dadkii ka dambeeyay, waxayna bixinayaan qiimaha dambiga ay galeen xilligan aan hadleyno,” ayuu yidhi Jubeir.

“Waan baadhay, waanna ciqaabnay oo waxa aan dejinnay hab raacyo aan ku hubineyno in taasi oo kale ayna markale dhicin. Tani waa sida ay dalalku u maareeyaan marka ay xaaladahan oo kale dhacaan.”

AFP