Muxuu yahay heshiiska ay wada-gaadheen Soomaaliya iyo Kenya?

Nairobi (Aftahannews)- Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xidhiidhka labada dal kadib booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay Nairobi.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ogalaatay in Qaadka Kenya loo soo iib geeyo gudaha Soomaaliya, Halka Dowladda Kenyana taas ku badelan doonto Kalluunka oo ay ka dhoofsato Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Kenya, ayaa aqbashay go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee looga xukumay Badda ay ku heysatay Soomaaliya bishii October-2021-kii, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Qodobada kale ee labada dal ku heshiiyeen ee ilaa hada soo baxaya waxaa kamid ah in Dowladda Kenya Muwaadiniinta Soomaaliya u fududayso Dal kugalka Kenya iyadoo sidoo kale Diyaarada Kenya Airways ay Muqdisho duulimaadyo ka bilaabi doonto.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa aad u kala fogaaday xiligii Dowladdii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kadib markii Muqdisho ay Nairobi ku eedaysay farogalin arrimaha gudaha ah iyo inay ku qabsatay Badeeda qayb kamid ah taas oo markii Dambe Soomaaliya loo xukumay xili Kenya ay ku gacan saydhay Go’aanka Maxkamadda.