Xasan Sheekh oo u safray dalka Eritrea

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Eretria, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hadheeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia.

Waalidiinta qaar, ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xidhiidha caruurtooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xadhiidha xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu raacay sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo si gaar ah u haya xogta ciidanka tababarka loogu diray Eritrea.