Qaramada Midoobay oo hambalyo ku aadan Ciidul Adxa u dirtay Shacabka Soomaalida

JAMES SWAN ERGAYGA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA 2020.jpg

Muqdisho (Aftahannews)- War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa hambalyo ku aaadan muanasabadda ciidul Adxa u diray dhamaan Shacabka Soomaalida.

Qoraalka ka soo baxay James Swan, ayaa lagu yidhi” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay dhammaan Soomaalida u direysaa hambalyada ciidda.

“Waxa ay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaageysaa Soomaalida dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyada oo uu jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad. Ciid Wanaagsan,”ayuu yidhi James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.