Madaxweyne Biixi oo ka hadlay tallaabadii ay Soomaaliya ku kacday

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Sacuudiga ka codsaday in ay soo celiso qoondadii ay Somaliland ka heli jirtay xujaajta xajka.

Madaxweynaha, ayaa dowlada Sacuudiga usoo jeediyay in arrinta sababtay in dadka reer Somaliland anay sannadka xajin oo ah in anay helin qoondadii ay uga barteen in dowlada Sacuudigu ka siiso xujaajta, in anay mar kale dhicin.

“Sannadkan dadkeenu fursad u may helin in ay xajka tagaan, dowlada Sacuudiga oo kala maamusha Xaramka waxaanu ka codsanaynaa taa maanta dhacday in anay dib u dhicin” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in bulsho kasta tirada xujaajta ee ay helayaan lagu saleeyo tiradooda guud, sidaa darteedna bulshada Somaliland ay ka badanyihiin 4 milyan oo qof loona bahanyahay in lasiiyo wixii tiradoodu u goyso.

“Sida  Islaamka xajka loogu qaybiyay meel ay joogaanba, waxa lagu qaybiyaa halkii milyanba, sannadkii walba tiro ayaa loo qoondeeyaa Somaliland oo ka badan 4 milyan qoondada ay ka hesho xajka tagis tiisa, dowlada Sacuudiga waxaanu usoo jeedinayna waajibka Islaamka in anay siyaasadayn” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Xukuumada Somaliland, ayaa sannadkan baajisay xujaydii reer Somaliland ee xajka tagi lahaa, kadib markii ay sheegtay in xukuumada Soomaaliya, ay qoondadii Somaliland xajka ka heli jirtay oo ahayd %40 kusoo urrurisay %6.

Xukuumada Soomaaliya, ayaa dhankeeda sheegtay in Somaliland aan loo tixgalin doonin qoondadii ay heli jirtay, oo wax loo siinayo si lamid ah maamulada ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.