Dibad baxayaal gudaha u galay Madaxtooyada Sri Lanka iyo Madaxweynihii oo cararay

Sri Lanka (Aftahannews)- Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa Sabtida maanta ah ka cararay gurigiisa rasmiga ah wax yar ka hor inta ayna mudaaharaadayaasha ka cadheysan dhibaatada dhaqaale ee aan hore loo arag ee dalkaasi ka jirta xoog ku galin qasriga madaxtooyada ayna la wareegin xafiis kiisa u dhow.

Sida ay booliisku qiyaaseen, boqollaal kun oo qof, ayaa isugu soo baxay waddooyinka agagaarka guriga madaxweynaha, iyaga oo dalbanayay in uu xilka ka dago sababo la xidhiidha dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta.

Kadib markii ay xoog ku galeen albaabada xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa baraha bulshada si toos ah looga baahinayay dadweyne dhex mushaaxaya qolalka madaxtooyada, iyadoo qaar ka mid mudaaharaadayaashu ay isku tuureen barkadda lagu dabaasho ee madaxtooyada.

Qaarkood, ayaa la arkayay iyaga oo qoslaya oo jiifa qolalka jiifka ee quruxda badan ee qeybta deegaanka, iyado intii aaney mudaaharadayaashu gudaha soo gelin ay ciidamadu rasaas fureen si ay dib ugu celiyaan islamarkaana si nabad ah Rajapaksa looga saaro qasriga.

“Madaxweynaha si nabad ah ayaa goobta looga saaray,” ayuu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka AFP. “Wali waa madaxweyne, waxaana ilaalinaya unug ka tirsan ciidamada militariga.”

Qasriga uu banneeyay, ayaa ah mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dowladda Sri Lanka, waxaana saraakiishu sheegeen in bixitaankiisu ay keeneyso su’aalo ah haddii uu wali doonayo in uu xilka sii hayo.

Sarkaal kale, ayaa u sheegay AFP in ay wali sugayaan amar, ayna ogeyn halka uu madaxweynuhu ku sugan yahay, isaga oo intaa ku daray in ay kaliya og yihiin in uu nabad qabo uuna la joogo ciidamada badda.

Saddex qof, ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii la toogtay iyadoo 36 qof oo kale iyana lagu dabiibayo isbitaalka kuwaasi oo dhibaato xagga neefsiga ahi ka soo gaadhay markii sunta dadka ka ilmaysiisa loo adeegsaday meel aan ka fogeyn guriga madaxweynaha, sida ay sheegtay afhayeenka cisbitaalka guud ee caasimadda Colombo.

AFP