Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka kala qaybgalay Tukashada Salaadda Ciida

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha oo maanta laga oogay guud ahaanba dunida Islaamka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaas oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ahi, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad  uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay carqaladda uu maamulka Xamar ku sameeyey dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa, waxana uu dowladda Sucuudiga u diray farriin cad oo la xidhiidha in Jamhuuriyadda Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xidhiidha xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa salaadda ciidal Adxada kaddib, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay boqollaal katirsan shacabka caasimadda  oo salaan ugu yimi.

Madaxweynaha oo uu garab fadhiyo guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa salaan gacan-qaad ah ku qaabilay waalidiin, carruur, dhallinyaro rag iyo dumar isugu jira oo farxadda ciidda awgeed madaxweynaha kusoo booqday qasriga madaxtooyada, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadda ciiddu.