Sidee looga ciiday Hargeysa, Muqdisho, Kismaayo iyo Garoowe?

Hargeysa (Aftahannews)- Guud ahaan Muslimiinta ku nool daafaha caalamka oo lagu qiyaaso 1.8 bilyan, ayaa maanta u dabaal degaya farxada maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Gelinka hore ee maanta ayay Muslimiintu badankood isugu tageen masaajidda, barxado iyo garoomo si ay u oogaa salaadda ciidda, ka dibna waxaa bilaabmay damaashaadka ciidda.